EL PAÍS: Aqoonsiga Israa'iil oo Somaliland U Noqday Guul Taariikhi ah

0
Sunday May 24, 2026 - 15:39:23 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    EL PAÍS: Aqoonsiga Israa'iil oo Somaliland U Noqday Guul Taariikhi ah

    Wargeyska EL PAÍS ayaa xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska EL PAÍS ayaa xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,...


Warbixin ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), kana soo baxday warsidaha EL PAÍS, ayaa sheegtay in Somaliland ay 35-kii sano ee la soo dhaafay dhisaysay nidaam dawladnimo, hay’ado shaqeeya iyo amni ka duwan xaaladaha ka jira Soomaaliya.


 

Warbixintu waxay tilmaantay in xuskii 18-ka May ee sannadkan uu noqday mid taariikhi ah, kadib markii Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland.



 

Wargeyska EL PAÍS ayaa xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu sheegay in sannadkan markii ugu horreysay loo dabaaldegayo maalinta qarannimada iyadoo Somaliland tahay Jamhuuriyad la aqoonsaday.


 

Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay muhiimadda istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan marin-biyoodka Bab-al-Mandab, oo Israa’iil u aragto meel muhiim u ah amniga iyo ganacsiga gobolka.


 

"Somaliland waxay u aragtaa xidhiidhka Israa’iil tallaabo albaabada u furi karta aqoonsiyo kale oo caalami ah,” ayaa lagu sheegay warbixinta EL PAÍS.

Loading...
Loading...