Telegraph: Israa'iil oo Tababar Sare Siisay Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Somaliland
Wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Britain ayaa qoray in Israa’iil ay tababar heer sare ah siisay ciidamo si gaar ah u carbisan oo ka tirsan Somaliland, iyadoo la sheegay in 50 askari oo ka tirsan cutubyo gaar ah ay dhawaan ka soo laabteen magaalada Tel Aviv kadib tababar ciidan oo khaas ah.
Warbixinta ayaa tilmaantay in tallaabadan ay qeyb ka tahay iskaashi dhinaca amniga iyo difaaca ah oo sii xoogeysanaya, kaas oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo loollan istaraatiiji ah oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.
Telegraph ayaa sidoo kale xustay in ciidamadaasi ay heleen tababar khaas ah oo la xiriira hawlgallada gaarka ah, iyadoo arrintan loo arko mid sare u qaadaysa awoodda ciidan ee Somaliland iyo iskaashiga cusub ee labada dhinac


0 





