"Mawqif Iyo Tallo Xukuumadeed Oo Ku Wajahan Arinta Kornayl Caarre Ma Jirto"
Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay qaabka xukuumadu u wado xal u helida arinta kornayl caarre iyo jabhada uu hogaaminayo.

Siyaasi Cali Guray waxa kale oo uu meel ka dhac ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta somaliland ee uu xisbiga Waddani kula xidhiidhiyey jabhada kornayl Caare.
Ugu horayn siyaasi Cali Guray oo ka hadlaya hadalkii wasiir warfaafinta ayaa waxa uu yidhi "Wasiirku waxa weeyaan afhayeenka xukuumada, warka inagu cusub ee uu inoo sheegay waxa weeyaan Caarre oo aynu inagu u naqaanay inan ka tirsan saraakiisha ciidanka qaranka oo ka goostay wixii uu doonayaba ha qoonsadee uu yahay jabhad somaliland ah oo ka dhan ah dawlada, warkaasi aniga wuu igu cusub yahay oo wasiirka ayuunbaa iigu horeeya”
Siyaasi Cali Guray oo hadalkiis sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxa kale oo uu ku daray in xisbiga Waddani iyo jabhada Caarre inay isku mid yihiin, waxaanan isleeyahay wasiirku waxa uu doonayey gudoomiyaha xisbiga Waddani oo aanan hadalkiisa jeclaysan laakiin umuu jawaabin, waxaanu la xidhiidhiyey xisbi dhan oo duul iyo karaamo iyo colba leh inay yihiin jabhadaas caarre oo ah xisbiga Waddani, waxaana xisbigaas ku jira oo hogaankiisa ugu sareeya ka mid ah Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo inaadeerkii iyo suldaankiisiiba ah, waxa ku jira Ismaaciil Aadan, waxa ku jira Cabdilaahi Ciro, waxa ku jira Maxamed Biixi Yoonis, waxa ku jira kuwa ka soo jeeda raaska Muuse Biixi, haday sida wasiirku sheegay ay run tahay oo jabhada Caarre iyo Waddani isku mid yihiin maxaa Caarre loo raadsanayaa miyaa kuwan wax laga qabto ileen waakan yidhi waa isku mide”
Siyaasi Cali Guray ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaanay jirin mawqif ay xukuumadu ka leedahay arinta kornayl Caarre waxaanu yidhi "Tani waxay I tusaysaa inaan mawqif xukuumadeed jirin, talana aanay jirin waayo wasiirku waxa uu ku hadli lahaa wixii ay xukuumadu ku tashatay sida ay dadku u qaadanayaana waa inuu ka hadlayo wixii xukuumadu ku tashatay, anigu hadalka wasiirka uma arko inuu laaqi lahaa, raali gelina inuu ka bixiyana way tahay.”
Ugu dambayn siyaasi Cali Guray ayaa intaas raaciyey "Tala xumadu waxay dhaantaa talo la,aanta mawqifka aan hada arkayaa oo xataa arinta Sanaag, dhinaca kale hadalkiisa waynu aragnaa balse mawqif rasmi ah oo xukuumadu ka qaadatay ama ay leedahay xalalka aanu arkaynaa waa kuwaas halagu raaco ama halagu qaybsamee ilaa hada lagama hayo, waxaana la lahaa arinka Caarre waxa loo daayey madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxaana ugu dambeeyey gudoomiye Saleebaan oo waxa uu inoo sheegay in arintan madaxweynaha iyo xukuumada loo daayo.”
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland


0 





