Cabdiladiif Maxamed Ismaaciil oo Ka Qaybgalay Shir Caalami ah oo Looga Hadlay Horumarinta Tamarta Nukliyeerka Afrika

0
Saturday May 23, 2026 - 17:09:40 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiladiif Maxamed Ismaaciil oo Ka Qaybgalay Shir Caalami ah oo Looga Hadlay Horumarinta Tamarta Nukliyeerka Afrika

    Shirkan oo casuumaddiisa lahaa Madaxweynaha dalka Rwanda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo casuumaddiisa lahaa Madaxweynaha dalka Rwanda,




Diblomaasi Cabdiladiif Maxamed Ismaaciil, oo ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland ee ku takhasusay arrimaha diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, ayaa ka qaybgalay shir heer caalami ah oo lagaga hadlayey horumarinta tamarta nukliyeerka ee qaaradda Afrika, kaas oo ka qabsoomay magaalada Kigali.



 

Shirkan oo casuumaddiisa lahaa Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa loona casriyeyn lahaa adeegsiga tamarta nukliyeerka ee Afrika, si qaaraddu u hesho tamar joogto ah, la heli karo isla markaana la isku halayn karo.


 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey doorka ay tamarta nukliyeerku ka qaadan karto kobcinta dhaqaalaha, horumarinta warshadaha, iyo xoojinta sugnaanta tamarta ee dalalka Afrika.


 

Diblomaasi Cabdiladiif Maxamed Ismaaciil ayaa madasha ku soo bandhigay aragtiyo ku saabsan muhiimadda iskaashiga caalamiga ah iyo ka faa’iidaysiga teknoolajiyada casriga ah, si loo xoojiyo horumarka iyo isku filnaanshaha tamarta ee qaaradda Afrika. Shirkan ayaa sidoo kale fursad u noqday in khubarada iyo aqoonyahannada Afrika ay is dhaafsadaan fikrado iyo waayo-aragnimo ku saabsan mustaqbalka tamarta nukliyeerka ee Afrika.

Loading...
Loading...