Asharq Al-Awsat oo ka digay dhoofinta sharci darrada ah ee qudhaanjada Afrika

0
Thursday May 21, 2026 - 15:41:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Asharq Al-Awsat oo ka digay dhoofinta sharci darrada ah ee qudhaanjada Afrika

    Khubaro ayaa ka digay in dhoofinta sharci darrada ah ee qudhaanjadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khubaro ayaa ka digay in dhoofinta sharci darrada ah ee qudhaanjadu



Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa warbixin ka qoray dhoofinta sharci darrada ah ee qudhaanjada laga saaro qaaradda Afrika, isagoo sheegay in ganacsigan laga sameeyo lacago badan, gaar ahaan noocyada qaarkood sida qudhaanjada boqoradda (queen ants) oo la sheegay in halkii xabbo lagu kala iibsan karo lacag ka badan kun doollar.



 

Warbixinta ayaa sheegtay in qudhaanjadan loo iib geeyo dalal ka tirsan Yurub, halkaas oo loogu adeegsado arrimo kala duwan sida cilmi-baarista, taranta noocyada cayayaanka iyo xitaa daraasadaha la xiriira dawooyinka iyo deegaanka.


 

Khubaro ayaa ka digay in dhoofinta sharci darrada ah ee qudhaanjadu ay saameyn weyn ku yeelan karto deegaanka, maadaama qudhaanjadu door muhiim ah ka ciyaarto isku dheelitirka deegaanka, nadiifinta carrada iyo taranka dhirta. Waxay sheegeen in haddii si xad-dhaaf ah loo ugaarsado ay sababi karto dabar-go’ ama hoos u dhac ku yimaadda noocyada qaarkood.


 

Dhanka kale, Kenya ayaa dhawaan gacanta ku dhigtay koox lagu eedeeyey inay dalkaas ka dhoofinayeen ku dhawaad 5,000 oo xabbo oo qudhaanjo ah, kuwaas oo la qabtay ka hor intaan laga saarin dalka, taas oo iftiimisay sida uu u ballaaranayo ganacsiga sharci darrada ah ee cayayaanka laga sameeyo.

Loading...
Loading...