Wada-hadalladii Dowladda iyo Mucaaridka Soomaaliya oo fashil ku dhammaaday

0
Thursday May 21, 2026 - 15:32:02 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wada-hadalladii Dowladda iyo Mucaaridka Soomaaliya oo fashil ku dhammaaday

    Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladu ay ku dhammaadeen fashil...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladu ay ku dhammaadeen fashil...



Maalmihii la soo dhaafay waxaa xerada Xalane ka socday wada-hadallo u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo mucaaridka, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen diblomaasiyiin reer Galbeed ah oo ku sugan Xalane. Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda kala guurka ah ee dalka iyo sidii loo qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay.



 

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in xukuumaddu miiska wada-hadalka la tagtay qorshe ah in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaridkuna ay taas ka horyimaadeen, iyagoo dalbanaya in la dhiso xukuumad xil-gaadhsiin ah isla markaana la qabto doorasho dadban.


 

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladu ay ku dhammaadeen fashil, kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobadii ay kala wateen, kuwaas oo noqday kuwo aad u kala fog. Dowladda ayaa ku adkaysanaysa in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaridkuna ay doonayaan in nidaamkii hore ee doorashada dadban lagu sii socdo.


 

Maxaa hadda xiga?

Kadib burburka wada-xaajoodyada, mucaaridka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay bannaan-baxyo ay ku dalbanayaan doorasho, kuwaas oo la qorsheynayo inay dhacaan horraanta bisha June. Dhanka kale, dowladda ayaa ka digtay bannaan-baxyadaas, iyadoo sheegtay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo abaabusha.


 

Arrintan ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in beesha caalamka ay soo fara-geliso haddii madaxda dowladda iyo mucaaridku ku guul-darraystaan inay gaaraan xal kama dambays ah oo lagu xalliyo khilaafka doorashada.

Loading...
Loading...