Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo ka hadlay tallaabo laga qaadayo Garyaqaan dood ka keenay arrimaha safaaradda

0
Thursday May 21, 2026 - 15:28:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo ka hadlay tallaabo laga qaadayo Garyaqaan dood ka keenay arrimaha safaaradda

    Garyaqaan Guuleed Dafac, oo ka mid ahaa dadka taageersan aqoonsiga Somaliland...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan Guuleed Dafac, oo ka mid ahaa dadka taageersan aqoonsiga Somaliland...



Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono Garyaqaan uu ku eedeeyey inuu dood ka keenay arrimaha la xiriira aqoonsiga Somaliland iyo goobta laga furayo safaaradda.


 

Inkasta oo Wasiirku aanu si cad u magacaabin Garyaqaanka uu hadalka ka jeediyey, haddana wararku waxay tilmaamayaan in hadalkaasi ku wajahnaa Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac), kaas oo su’aal ka keenay in safaaradda Somaliland laga furo magaalada Qudus.



 

Garyaqaan Guuleed Dafac, oo ka mid ahaa dadka taageersan aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in uu weli taageersan yahay aqoonsiga Somaliland, balse uu ka aragti duwan yahay goobta laga furayo safaaradda, isagoo soo jeediyey in laga furo magaalada Tel Aviv halkii laga furi lahaa Qudus.


 

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL ayaa hadalkiisa ku sheegay in cid kasta oo uu u arko inay ka hor imanayso arrimaha qaranimada ama danaha Somaliland laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Loading...
Loading...