Midowga Yurub oo ka qaaday xayiraaddii Passport-ka Itoobiya, fursado cusubna u furmay dadka safarka ah
European Union ayaa la sheegay inay ka qaaday xayiraaddii hore loogu soo rogay baasaboorka Ethiopia, taas oo socotay muddo laba sano ah kadib markii ay is-afgaranwaa ka dhex abuurmeen Itoobiya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha la xiriiray dib u celinta muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee si sharci darro ah ku galay qaar ka mid ah dalalka Yurub.
Xayiraaddan oo saameyn weyn ku yeelatay dadka haysta baasaboorka Itoobiya, ayaa sababtay in muwaadiniin badan ay la kulmaan diidmooyin isdaba joog ah marka ay dalbanayeen fiisaha dal-ku-galka waddamada Yurub, iyadoo codsiyo badan la hakiyey ama si adag loo baarayey. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay ganacsatada, ardayda, dadka qoysaskooda booqanayay iyo safarrada kale ee muhiimka ah.
Go’aanka cusub ee Midowga Yurub ayaa hadda la sheegay inuu meesha ka saarayo caqabadihii hore, taas oo la micno ah in dadka haysta baasaboorka Itoobiya ay fursad u heli doonaan inay si xor ah u codsadaan fiisaha dalalka Yurub, iyadoo la filayo in habraacyadii adkaa ee hore loo dejiyey la fududeeyo.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xiriirka Itoobiya iyo Midowga Yurub, maadaama ay dib u soo celin karto kalsoonidii dhinacyada, isla markaana ay fududeyn karto isu socodka dadka, ganacsiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac. Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa muddooyinkii u dambeeyey cabasho ka muujinayay dhibaatooyinka ka dhashay xayiraaddaas, waxaana hadda la filayaa in go’aankan cusub uu wax ka beddelo xaaladda safarka ee muwaadiniinta Itoobiya.


0 





