Somaliland oo Kenya ka codsatay duulimaad toos ah oo Hargeysa ah
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in Kenya iyo Somaliland ay yeelan karaan xidhiidh ganacsi oo sahlan haddii la helo duulimaad toos ah oo u dhexeeya Hargeysa iyo Kenya.
Masuulkan oo u warramay warbaahinta KTN Kenya ayaa si gaar ah uga codsaday shirkadda Kenya Airways inay bilowdo duulimaadyo toos ah oo taga Hargeysa, si ay uga faa’iidaystaan shacabka Somaliland iyo Kenya.
"Kenya waxa ay Somaliland la yeelan kartaa xidhiidh ganacsi oo aad u fudud, halkii markii hore socdaalku uu ka qaadanayay wakhti dheer, waxaan aad uga codsan lahaa Kenya Airways in ay bilawdo duulimaadkeeda Hargeysa si labada shacab ee Somaliland iyo Kenyaba uga faa’iidaystaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Waxa uu intaas ku daray in duulimaad toos ah oo u dhexeeya Hargeysa iyo Kenya uu faa’iido u leeyahay Somaliland, Kenya iyo guud ahaan horumarka gobolka.


0 





