Wasiir Cabdalle Sandheere oo ka hadlay qaabkii loo qaabilay Safiirka Somaliland ee Israa'iil
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa ka hadlay qaabkii Madaxweynaha dowladda Israel u qaabilay Safiirka Somaliland ee u fadhiya Israa’iil, kaas oo maalmo ka hor si rasmi ah looga guddoomay waraaqihii danjirenimada.
Wasiirka ayaa sheegay in safiirka Somaliland loo sameeyey soo dhaweyn heer sare ah, isla markaana lagu maamuusay astaamihii diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, sida calanka Somaliland iyo rooga cas.
Cabdalle Sandheere ayaa sheegay in arrintan ay muujinayso guul diblomaasiyadeed, isagoo xusay in safiirkii ugu horreeyey ee uu Madaxweynehu magacaabay uu waraaqihii aqoonsiga gaadhsiiyey Madaxweynaha Israa’iil.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in safiirka Somaliland loo sameeyey soo dhaweyn sharaf leh, isagoo xusay in loo adeegsaday hab-maamuuska caalamiga ah ee safaaradaha, sida muusigga iyo rooga cas, isla markaana munaasabaddaasi ay daawanayeen dalal kala duwan.


0 





