Nigeria iyo Mareykanka oo sheegay inay dileen 175 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish

0
Thursday May 21, 2026 - 14:31:40 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nigeria iyo Mareykanka oo sheegay inay dileen 175 dagaalyahan oo ka tirsan Daacish

    Xarunta dhexe ee amniga ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta dhexe ee amniga ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay



Ciidamada dalka Nigeria ayaa sheegay in howlgallo wadajir ah oo ay la fuliyeen United States ay ku dileen ugu yaraan 175 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Islamic State ee ka dagaallanta waqooyi-bari Nigeria.


 

War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada ayaa lagu sheegay in weerarrada, oo billowday dhowr maalmood ka hor, ay sidoo kale sababeen burburka fariisimaha kooxda, bakhaarrada hubka iyo gaadiidkoodii.



 

Xarunta dhexe ee amniga ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay taliyayaal sare oo ka tirsan kooxda, oo uu ku jiro ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish, oo loo yaqaan Abu Bilal Al-Minoki.


 

Ciidamada Nigeria ayaa sheegay in weerarkan uu yahay dharbaaxo culus oo soo gaartay kooxda, iyagoo xusay inay sii wadi doonaan baacsiga xubnaha argagixisada meel kasta oo ay joogaan si gacanta loogu soo dhigo.

Loading...
Loading...