Boorama Guddoomiyaha Awdal: 18-ka May waxay Noogu Ahayd Xisaab Gaar ah
Guddoomiyaha gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ka hadlay qaabkii uu xuska 18-ka May uga dhacay gobolka, isaga oo sheegay in munaasabadda sanadkan ay gobolka u ahayd "xisaab gaar ah” maadaama ay jireen dad aaminsanaa in aan xuska 18-ka May lagu qaban doonin magaalada Boorama.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in maamulka gobolka iyo guddigii qaban-qaabadu ay xaqiijiyeen in munaasabadda 18-ka May ay si qurux badan uga dhacdo Boorama, inkastoo ay jireen rabshado ka dhacay magaalada intii lagu guda jiray maalmaha dabaaldegga.
"18 May sanadkan waxa ay inoo ahayd xisaab gaar ah, dad badan ayey ugu calaamadsanayd in aanay ka dhacayn Borama iyagoo dano kale leh, waxa aanu xaqiijinay in 18 May sida ugu quruxda badan noogu dhacdo,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Awdal.
Guddoomiye Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu magaalada Boorama qado-sharaf ugu sameeyey guddigii qaban-qaabada xuskii 18-ka May.


0 





