Golaha Wasiirrada Somaliland Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo sheegay in Dhoofka Xooluhu Marayo Heer Wanaagsan xilli Xajka
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda dhoofka xoolaha, isagoo sheegay in dhoofka xooluhu uu xilligan marayo heer wanaagsan, isla markaana uu kor u kacay qiimaha iibka xoolaha, gaar ahaan xilliga mooshinka Xajka.
Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyey caqabadaha jira ee saameynta ku yeelan kara silsiladda dhoofka xoolaha, isagoo Golaha u soo jeediyey talooyin ku saabsan xoojinta tayada xoolaha, fududeynta dhoofka iyo ilaalinta suuqyada caalamiga ah ee xoolaha Somaliland.
Dr Cumar Shucayb Maxamed ayaa si gaar ah hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay leedahay hirgelinta Deked u gaar ah dhoofka xoolaha (Livestock Terminal), si loo sii xoojiyo awoodda suuq-geynta xoolaha nool ee loo dhoofiyo Bariga Dhexe iyo adeegyada ka farcama.


0 





