Mursal Maxamed Jaamac Oo Loo Doortay Maayarka Cusub Ee Gabiley

0
Wednesday May 20, 2026 - 12:44:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mursal Maxamed Jaamac Oo Loo Doortay Maayarka Cusub Ee Gabiley

    Doorashadan ayaa ku dhacday jawi deggen, iyadoo xubnaha Golaha Deegaanku....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashadan ayaa ku dhacday jawi deggen, iyadoo xubnaha Golaha Deegaanku....



Waxaa saaka si rasmi ah Xafiiska Badhasaabka Gobolka Gabiley uga qabsoomay doorashada Maayarka cusub ee degmada Gabiley, kadib kulan ay yeesheen xubnaha Golaha Deegaanka degmadaasi.


 

Xubnaha Golaha Deegaanka Gabiley ayaa cod aqlabiyad leh ku doortay Mudane Mursal Maxamed Jaamac inuu noqdo Maayarka cusub ee degmada Gabiley, si uu u hoggaamiyo maamulka degmada muddada soo socota.



 

Doorashadan ayaa ku dhacday jawi deggen, iyadoo xubnaha Golaha Deegaanku muujiyeen wada-shaqayn iyo isku duubni intii ay socotay codbixintu.


 

Maayarka cusub ee Gabiley ayaa la filayaa inuu xoogga saaro horumarinta adeegyada bulshada, bilicda magaalada iyo dardargelinta hawlaha maamulka degmada.

Loading...
Loading...