Israel Oo Soo Dhaweeyay Qorshaha Safaaradda Somaliland Ee Jerusalem
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee ku saabsan dhismaha safaaradda Somaliland ay ka yeelanayso magaalada Jerusalem.
Wasiir Sa’ar ayaa farriin uu ku baahiyay barta Facebook-ga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ku sheegay in furitaanka safaaradda Somaliland ee Jerusalem ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo sii xoojinaysa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac. Waxa uu xusay in si wadajir ah looga shaqayn doono hirgelinta qorshahan dhawaan.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa tilmaamay in safaaradda Somaliland ay noqon doonto safaaraddii siddeedaad ee laga furo magaalada Jerusalem, isaga oo Madaxweyne Cirro ku casuumay booqasho rasmi ah oo uu ku tago magaaladaasi.


0 





