Madaxweynaha Israa'iil oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somaliland u joogi doona Israa'iil

0
Tuesday May 19, 2026 - 12:50:21 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 59
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Israa'iil oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somaliland u joogi doona Israa'iil

    Safiirka Somaliland ee cusub, Maxamed Xaaji, ayaa waraaqihiisa aqoonsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland ee cusub, Maxamed Xaaji, ayaa waraaqihiisa aqoonsiga


May be an image of text


Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa si rasmi ah u guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Somaliland u joogi doona dalkaasi, taas oo noqotay tallaabo diblomaasiyadeed oo cusub oo muujinaysa xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.


 

Safiirka Somaliland ee cusub, Maxamed Xaaji, ayaa waraaqihiisa aqoonsiga ku guddoonsiiyey Madaxweynaha Israa’iil xaflad rasmi ah oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Jerusalem, iyadoo munaasibaddan lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo qayb ka ah xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.


 

Madaxweynaha Israa’iil ayaa soo dhaweeyey Safiirka Somaliland, isaga oo muujiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xidhiidhka labada dhinac, halka Safiirka Somalilandna uu carrabka ku adkeeyey in tallaabadani ay astaan u tahay horumar cusub oo laga gaadhay iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil.


 

Guddoomista waraaqaha aqoonsiga ayaa noqotay markii ugu horreysay ee Safiir Somaliland ah si rasmi ah waraaqihiisa ugu gudbiyo Madaxweynaha Israa’iil, taas oo sii xoojinaysa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

Loading...
Loading...