Samiriyo Dulqaadkeena Somalilaan Leeday Saakadan Ku Soo Toosnay Saatir Mahdi Weeyaane.Samaha Ku Wada Ciida.

0
Tuesday May 19, 2026 - 12:43:21 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samiriyo Dulqaadkeena Somalilaan Leeday Saakadan Ku Soo Toosnay Saatir Mahdi Weeyaane.Samaha Ku Wada Ciida.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayasha.


 

1-Suugaanta Tirinteeda, Sooyaalkan Taariikhda,

Saatir Hibada Noo Siiyay, Sanku Nelehan Dheeray.



Sadka Eebbaheen Bixiyo, Ma Saluugno Siintiisah,

 

2-Saqajaanka Ma Naqaano, Sacab Hoorsigi Diinay,


Samafalida Sooryaynta, Saatirkeen Inoo Dhaliyay,

Saaxiib La Noolaansho, Sad La Qaybsi Wada Socoda.


 

3-Sadbursiimadan Necebnay, Samiqaybsigan Jecelay,

Soorgabkuna Samaan Malaha, Ka Sariigadka Roone,

Sumcadaada Ha U Duminin, Ruux Kale Sarayntiisa.


 

 

4-Sahankaad Adigu Diratay, Seef La Bood Adon Noqon,

Saadaali Khayrkiisa, Samaanta Iyo Ammaankiisa,

Sahalyaanay Kugu Dhaafin, Sirta Qaran Haddaad Hayso.


 

5-Saydhsaydhka Hadalkaaga, Seef Laba Afloow Suxufi,

Siduu Doono Haw Tebiyo, Salkadhaban Ha Kugu Keeno,

Sibiq Ereyga Kaa Siibtay, Soojeed Riyoodkaagan,

Seexashiyo Hurdo La"Aantu, Sababtaada Ha Ahaato.


Ismail Handuleh.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...