Ciidamada RRU oo dhoolatuskoodii qabsaday fagaarayaasha, laguna tilmaamay kuwa u diyaarsan xaaladaha degdegga ah

Ciidamada Ka Jawaabista Xaaladaha Degdegga ah ee RRU ayaa shalay indhaha shacabka soo jiitay kadib dhoolatus ballaadhan oo ay ka sameeyeen munaasibadihii xuska 18-ka May, kaas oo si weyn looga hadal hayo fagaarayaasha kala duwan.
RRU ayaa ah ciidamo si gaar ah ugu tababaran ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo hawlgallada amniga, waxaana lagu yaqaannaa feejignaan, dhaq-dhaqaaq degdeg ah iyo awood ay ugu wajahaan xaaladaha adag ee amniga.
Ciidamadan oo la sheegay in tababarkooda ay gacan ka geysatay Dawladda Ingiriiska, ayaa lagu tilmaamaa kuwo si gaar ah loogu carbiyey hawlgallada degdegga ah, isla markaana ka mid ah cutubyada sida weyn loogu tiirsan yahay marka ay dhacaan xaalado u baahan jawaab celin degdeg ah.
Dhoolatuskii ay shalay sameeyeen ayaa muujiyay diyaargarowga, tayada tababarka iyo awoodda ciidamadan, taas oo si weyn u soo jiidatay dareenka shacabka iyo fagaarayaasha warbaahinta.


0 





