Wasiirka Diinta Somaliland oo sheegay in 18-ka May xanbaarsan tahay saddex fariimood oo waaweyn

0
Tuesday May 19, 2026 - 12:07:20 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta Somaliland oo sheegay in 18-ka May xanbaarsan tahay saddex fariimood oo waaweyn

    Wasiirka ayaa sheegay in fariimahaasi ay kala yihiin Kalmadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa sheegay in fariimahaasi ay kala yihiin Kalmadda



Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe), ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasibadda xuska 18-ka May ee caawa ka dhacday Madaxtooyada Somaliland ku sheegay in maalinta qaranimada Somaliland ay xambaarsan tahay saddex fariimood oo muhiim ah.


 

Wasiirka ayaa sheegay in fariimahaasi ay kala yihiin Kalmadda Towxidka ee ku qoran Calanka Somaliland, heshiiskii iyo cahdigii ay shacabka Somaliland ku gaadheen 18-ka May si ay u yeeshaan dawladnimo iyo qaran madax-bannaan, iyo muujinta in Somaliland tahay dal Muslim ah oo leh ilbaxnimo isla markaana diyaar u ah xidhiidh iyo wada-shaqayn caalami ah.



 

Sheekh Baashe ayaa xusay in Somaliland ay dunida u dirayso fariin muujinaysa inay tahay dal Muslim ah oo ilbax ah, una diyaar ah inay la macaamisho dhammaan dalalka, isla markaana ay soo dhoweyso iskaashi, diblomaasiyad iyo xidhiidh caalami ah.

Loading...
Loading...