Guul Buuxday Noqon Layd,Gudboni Doorasho La Galo, Haweenka Godob Laga Gelaynin.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)
1-Doorashado Loo Gudboonyaho,Haween Godob Laga Gelayn,
Gabdhahu Golaha U Tartamayo,Guul Weyn Bay Noqonaysaa,
Guurtidu Gabaygu Ku Socdaayo,Garbaa Loo Dhiganayaayna,
Geedkii Odayba Fadhiya,Golayaasha Isaguunba Xulaayoon,
Gabadhu Reerka Kamà Tirsan,Waai Intaasoy Biri Guursata.
2-Galabtaasa Lala Guurayaayo,Geyaankaana Uma Tirsana,
Gebibay Ka Lushaan Gabdhuhu,Hashii Laba Geel Jeclayde,
Gundaha Uu Dhurwaagu Jaray,Geesnaba Iyadoon Ahayne,
Geeskasta Arrinkani U Rògay,Golayaashi Haddaad Tahiin,
Goolkiina Kubadii La Dhigayo,Go"Aan Adag Bay Rabtaana,
3-Geesinimo Waa In Lagu Galaayo,Go"Aan Sharci Loo Gudba Garba Loo Yahay Islaaam,Garbaduub Gabdhaya U Xidhay,
Ganaaxan Ayaa Duldhigay,Inaynu Galnona Waa Wadaan,
Golayaasha Aduunyadee,Haweenkeenaynu Gaasirayeh,
Maxaynu Golayaasha Geyn,Gabdhaha Joogaan Dunidu.
4-Geediga Maantaynu Guuray,Haddan Gabdho Joogin Gobta
Goldaloolay U Yeelaysaa,Citiraafkeenan Goobistiisah, Gabadhuhu Meelay Gufayn,Weligood Gaadhayn Rageenu,
Gudoono Dumaro Giriis Ah,Amse Yurbtaas Galbeedka,
Golayaashen Soo Siyaartay,Garoonka Gabadha Ku Fiican.
Ismail Handuleh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





