Israa'iil Oo Ka Hadashay Iskaashiga Cusub Ee Ay La Yeelanayso Somaliland
![]() |
Dowladda Israa’iil ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay qorshaheeda ku aaddan xoojinta iskaashiga Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah diiradda u saaraysa dhinacyada beeraha, tiknoolajiyadda iyo xiriirka cusub ee ay la yeelanayso Somaliland.
Safiir Ku-xigeenka Israa’iil u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Tomer Bar-Lavi, ayaa sheegay in dalkiisu daneynayo ballaarinta xiriirka uu la leeyahay Somaliland, isagoo xusay in Addis Ababa ay ku kulmeen ganacsato ka kala socday Israa’iil iyo Somaliland.
Diplomaasiga Israa’iil ayaa tilmaamay in wada-hadalladaasi ay ahaayeen kuwo hordhac ah balse muujiyay rabitaanka labada dhinac ee ku aaddan iskaashi dhaqaale iyo maalgashi.
Tomer Bar-Lavi ayaa sheegay in iskaashiga la qorsheynayo uu si weyn ugu wajahan yahay horumarinta beeraha, gaadiidka, kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada.
Waxa uu sidoo kale xusay in shirkadaha Israa’iil ay diyaar u yihiin inay bixiyaan adeegyo iyo tiknoolajiyad casri ah oo waxtar u leh baahiyaha ka jira Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Safiir Ku-xigeenka Israa’iil ayaa sheegay in dowladdiisu Geeska Afrika u aragto gobol muhiim u ah xasilloonida iyo iskaashiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in xiriirka cusub ee Somaliland aanu ahayn mid khatar ku ah gobolka balse uu horseedi karo fursado horumarineed iyo iskaashi dhaqaale.


0 






