Wasiir Milgo Oo Amaantay Barnaamijyada Diiniga Ah Ee Radio Hargeysa

0
Sunday May 17, 2026 - 11:47:57 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Milgo Oo Amaantay Barnaamijyada Diiniga Ah Ee Radio Hargeysa

    Wasiiradda ayaa sheegtay in barnaamijka su'aalaha diiniga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiradda ayaa sheegtay in barnaamijka su'aalaha diiniga



Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, Marwo Milgo Maxamed Sanbalooshe, ayaa si weyn u bogaadisay barnaamijyada diiniga ah ee ka baxa Radio Hargeysa, gaar ahaan barnaamijka Dariiqa Toosan oo ay sheegtay inuu bulshada u leeyahay faa’iido iyo wacyigelin muhiim ah.


 

Wasiiradda ayaa sheegtay in barnaamijka su’aalaha diiniga ahi yahay mid ay si gaar ah u xiiseyso, maadaama wasaaraddeeda ay maalin kasta la kulanto arrimo badan oo la xiriira qoysaska, shaqaalaha iyo xalinta khilaafaadka bulshada kuwaasi oo u baahan talooyin iyo hagid dhinaca diinta ah.



 

Marwo Milgo ayaa sidoo kale ammaantay culimada iyo bahda Radio Hargeysa, iyadoo tilmaantay in barnaamijyada noocan ahi ay door weyn ka qaataan toosinta bulshada iyo xoojinta akhlaaqda wanaagsan.


 

Waxay xustay in barnaamijyada cusub ee lagu soo kordhiyay idaacadda ay yihiin kuwo qiimo badan leh oo bulshada ka caawinaya fahamka arrimaha diinta iyo nolosha bulshada.

Loading...
Loading...