Afhayeenka Madaxweynaha Jsl Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Aqoonsiga Somaliland

0
Sunday May 17, 2026 - 11:43:40 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Madaxweynaha Jsl Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Aqoonsiga Somaliland

    Xuseen Deyr ayaa si gaar ah ugu baaqay dowladaha Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuseen Deyr ayaa si gaar ah ugu baaqay dowladaha Maraykanka



Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si dhab ah uga fiirsato aqoonsiga Somaliland, isagoo sheegay in Somaliland tahay dal nabdoon oo dimuqraaddi ah kanaalin kara xasilloonida Geeska Afrika.


 

Afhayeenka ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter), kaas oo ay sidoo kale baahisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.



 

Xuseen Deyr ayaa si gaar ah ugu baaqay dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska inay dib u eegaan siyaasadda ay kula macaamilaan Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay wajahaysa xaalado siyaasadeed oo adag oo ay ka mid yihiin muranno sharciyeed, xasillooni darro iyo loollan siyaasadeed.


 

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan walaacyo la xiriira faragelin shisheeye, burbur hay’adeed iyo cabsi gelin siyaasadeed, isagoo xusay in dalal shisheeye ay dano gaar ah ka leeyihiin xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Loading...
Loading...