Cabdikariim Mooqe Oo Shaaciyay Qorsheyaal Cusub Kadib Marka Uu Ka Dego Xilka Duqa Hargeysa
Duqii hore ee caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay inuusan ka harayn adeegga bulshada marka uu wareejiyo xilka maayarnimada, balse uu sii wadi doono howlaha horumarinta iyo taageerada bulshada.
Cabdikariim Mooge ayaa xusay inuu qorsheynayo barnaamijyo iyo dadaallo cusub oo bulshada waxtar u leh, kuwaasi oo uu sheegay inay door ka qaadan doonaan horumarinta adeegyada muhiimka ah.
Waxa uu si gaar ah u tilmaamay inuu diyaarinayo mashruuc la xiriira dhinaca waxbarashada, kaas oo uu sheegay inuu gacan ka geysan doono yareynta caqabadaha haysta maamulayaasha dugsiyada iyo qaar kamid ah ardayda ku nool caasimadda Hargeysa.
Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in dadka qaar ay u haystaan inuu ka fariisan doono howlaha bulshada marka uu xilka baneeyo, balse uu doonayo inuu sii laba jibaaro dadaalladiisa ku aaddan adeegga shacabka iyo horumarka dalka.


0 





