Booliska Somaliland Oo Soo Kordhiyey Drones Casri Ah Oo Loo Adeegsanayo Ammaanka

0
Sunday May 17, 2026 - 11:50:19 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland Oo Soo Kordhiyey Drones Casri Ah Oo Loo Adeegsanayo Ammaanka

    Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan ayaa sheegay in drones

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan ayaa sheegay in drones



Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa shaaciyay in ciidanka boolisku ay soo kordhiyeen diyaarado casri ah oo aan duuliye lahayn (Drones), kuwaasi oo qeyb ka noqon doona howlaha amniga iyo dabagalka.


 

Taliyaha ayaa arrintan ka sheegay munaasabad uu tababar ugu soo xirayay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, isagoo xusay in diyaaradahaasi ay awood u leeyihiin inay si toos ah ula socdaan goobaha loo diro.



 

Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan ayaa sheegay in drones-kan cusub ay gacan weyn ka geysan doonaan xoojinta amniga, la socodka dhaq-dhaqaaqyada kala duwan iyo howlaha dabagalka ee ciidamada booliska.


 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dunidu maanta si weyn ugu tallaabsanayso dhanka tiknoolajiyadda casriga ah, islamarkaana Ciidanka Booliska Somaliland ay hadda wadaan qorshayaal ay kula jaanqaadayaan qalabka iyo farsamooyinka casriga ah ee caalamku adeegsado.

Loading...
Loading...