Masuuliyiin Kormeeray Xoolaha Ka Dhofaya Dekedda Berbera Xilliyada Xajka

0
Sunday May 17, 2026 - 11:25:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Kormeeray Xoolaha Ka Dhofaya Dekedda Berbera Xilliyada Xajka

    Masuuliyiinta ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay ilaalinta caafimaadka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay ilaalinta caafimaadka...


Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, maamulka gobolka Saaxil, degmada Berbera, xanaanada xoolaha iyo maamulka Dekedda Berbera ayaa caawa kormeer ku sameeyay Dekedda Berbera, halkaasi oo ay ka socotay dhoofinta xoolo loo waday dalalka Sucuudiga iyo Yemen.


 

Xoolaha la dhoofinayay ayaa waxaa qaadayay hal markab iyo laba doonyood oo ka amba baxayay dekedda.



 

Masuuliyiinta ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay ilaalinta caafimaadka iyo badqabka xoolaha, iyadoo la hubiyay helitaanka biyo, cunno iyo marin ammaan ah oo ay maraan ilaa laga saarayo maraakiibta.


 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay howlo sanadle ah oo la sameeyo xilliga Xajka, maadaama xilligan ay kordhaan xoolaha ka dhoofaya Dekedda Berbera.

Loading...
Loading...