Gabadh Soomaali Ah Oo Loo Dilay Lacag $50 Ah

MINNEAPOLIS — Gabadh Soomaali ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, iyadoo la sheegay in muranka sababay dilka uu la xiriiray lacag deyn ah oo dhan $50.
Haweeney lagu magacaabo Henrietta Shamandra Childress, oo 42 jir ah, ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil darajada labaad ah, kadib markii lagu eedeeyay inay dishay Aisha Farah Yussuf oo 32 jir ahayd. Dhacdadan ayaa ka dhacday guri ku yaalla magaalada Minneapolis 9-kii May 2026.
Sida lagu sheegay dukumiintiyada maxkamadda iyo warbixinnada markhaatiyaasha goobta joogay, labada haween ayaa muran ka dhex jiray lacagta deynta ah kahor inta aysan rasaastu dhicin.
Mid kamid ah markhaatiyaasha ayaa sheegay inuu arkay haweeneyda eedeysan oo qori kasoo qaadatay qol jiif, kadibna dhowr xabadood ku furtay Aisha Farah Yussuf.
Marxuumadda ayaa loola cararay isbitaal iyadoo qabta dhaawacyo culus oo rasaas ah, balse markii dambe waxaa la xaqiijiyay geerideeda.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha markii hore ay beenisay inay goobta joogtay, balse markii loo soo bandhigay muuqaallo ay duubeen kamaradaha amniga ay qiratay inay halkaasi joogtay maalinta ay dhacdadu dhacaysay.
Kiiska ayaa weli socda, waxaana la sheegay inay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo la xiriira dhacdadan.


0 





