Maayarka Gabiley oo Kormeer ku Tegay Dugsiyada u Diyaar-garoobaya Xuska 18-ka May

0
Saturday May 16, 2026 - 13:27:33 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Gabiley oo Kormeer ku Tegay Dugsiyada u Diyaar-garoobaya Xuska 18-ka May

    Kormeerka waxaa ku weheliyay Xildhibaan Axmed-weli iyo guddida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kormeerka waxaa ku weheliyay Xildhibaan Axmed-weli iyo guddida

May be an image of one or more people and text



Cabdirashiid Daacad, Maayarka degmada Gabiley, ayaa maanta kormeer ku tegay dugsiyada dawladda ee magaaladaasi oo si weyn ugu diyaar-garoobaya munaasibadda xuska 18-ka May.


 

Kormeerka waxaa ku weheliyay Xildhibaan Axmed-weli iyo guddida qabanqaabada xuska 18-ka May ee Dawladda Hoose, kuwaas oo qiimeeyay heerka diyaar-garowga, bilicda dugsiyada iyo sida ay ardaydu uga qayb qaadanayaan dabaal-degga maalinta qaranimada Somaliland.


 

Masuuliyiinta ayaa bogaadiyey dadaalka ay muujinayaan maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo ardayda, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay ka qaybqaadashada bulshada ee munaasabadda 18-ka May.

Loading...
Loading...