Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Ka Hadlay Diyaar-garowga Xuska 18-ka May
Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug, Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay door muhiim ah ka qaadato isku soo baxyada iyo diyaar-garowga lagu weynaynayo xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.
Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey degmooyinka Macalin Haaruun iyo Gacan Libaax, isaga oo xusay inay si muuqata uga qayb qaadanayaan hawlaha bilicda magaalada, nadaafadda iyo qabanqaabada munaasibadaha la xidhiidha xuska 18-ka May.
"Dawladda Hoose ee Hargeysa kaalin weyn ayay ka qaadataa isku soo baxyada lagu weynaynayo xuska 18-ka May, Degmooyinka Macalin Haaruun iyo Gacan Libaaxna way mahadsan yihiin,” ayuu yidhi Xoghayaha Fulintu.


0 





