Degmooyinka Axmed Macallin Haaruun iyo Gacan-libaax oo Xalay Isu Soo Bax Weyn ku Qabtay Hargeysa

0
Saturday May 16, 2026 - 13:18:37 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmooyinka Axmed Macallin Haaruun iyo Gacan-libaax oo Xalay Isu Soo Bax Weyn ku Qabtay Hargeysa

    Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin



Degmooyinka Axmed Macallin Haaruun iyo Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa ayaa xalay isu soo bax ballaaran ku qabtay Bariishka Dahabshiil ee xaafadda New Hargeysa, kaas oo qayb ka ahaa diyaar-garowga xuska 18-ka May.


 

Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan, qeybaha bulshada iyo dadweyne aad u tiro badan, iyadoo halkaasi lagu muujiyey dareen waddaniyadeed iyo taageerada munaasabadda xuska maalinta qaranimada Somaliland.



 

Dadkii kasoo qayb galay isu soo baxa ayaa watay calamo iyo astaamo muujinaya dabaal-degga 18-ka May, waxaana goobta laga jeediyey hadallo dhiirrigelin iyo wacyigelin la xiriira muhiimada maalintaasi ku leedahay bulshada Somaliland.


Loading...
Loading...