Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Kormeer ku Tagay Dekedda Berbera
Cabdilaahi Xasan Aadan, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekedda Berbera, halkaasi oo ay ka socotay dhoofinta xoolaha nool.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Somaliland ay sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dhoofka xoolaha ee Marsada Berbera, maadaama ay door weyn ka qaataan dhaqaalaha dalka.
"Waxa lagu dedaali doonaa in kor loo qaado adeegga dhoofka xoolaha oo kaalin weyn kaga jira dhaqaalaha dalkeenna,” ayuu yiri wasiirku intii uu ku guda jiray kormeerka.
Kormeerkan shaqo waxaa wasiirka ku weheliyay Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda, Maayirka degmada Berbera, Agaasimaha Kastamka Berbera iyo xubno kamid ah maamulka gobolka Saaxil.


0 





