Xisbiga KULMIYE oo Shaaciyey Qabsoomidda Shirweynaha Golaha Dhexe

0
Saturday May 16, 2026 - 12:52:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE oo Shaaciyey Qabsoomidda Shirweynaha Golaha Dhexe

    Hoggaanka Golaha Dhexe ayaa xusay in shirweynahani door

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Golaha Dhexe ayaa xusay in shirweynahani door

 


Xisbiga KULMIYE ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay qabsoomidda shirweynaha Golaha Dhexe ee xisbiga, kaasi oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 28-ka iyo 29-ka bisha July sanadkan 2026.


 

War-saxaafadeed kasoo baxay hoggaanka Golaha Dhexe ee KULMIYE, kuna taariikhaysnaa 16-ka May 2026, ayaa lagu sheegay in dhammaan xubnaha Golaha Dhexe lagu wargelinayo qabsoomidda shirkan muhiimka ah, iyadoo loo cuskanayo qodobbada xeerka xisbiga iyo go’aanno hore uga soo baxay guddida fulinta iyo jadwalka shirarka xisbiga.



 

Hoggaanka Golaha Dhexe ayaa xusay in shirweynahani door weyn ka qaadan doono dardargelinta hawlaha xisbiga, mideynta xubnaha, iyo xoojinta jihada siyaasadeed ee KULMIYE.


 

Sidoo kale, xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ayaa lagu adkeeyey inay si buuxda uga soo qaybgalaan shirkaasi, maadaama uu yahay kulan muhiim u ah mustaqbalka iyo qorshayaasha siyaasadeed ee xisbiga mucaaridka ah.

Loading...
Loading...