Dabley Hubeysan oo Arday ka Afduubtay Iskuul ku Yaalla Waqooyi-bari Nigeria

0
Saturday May 16, 2026 - 12:49:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 7
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabley Hubeysan oo Arday ka Afduubtay Iskuul ku Yaalla Waqooyi-bari Nigeria

    Wararka ayaa sheegaya in weerarku dhacay abaare 9:00

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ayaa sheegaya in weerarku dhacay abaare 9:00

 



Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay arday badan ka afduubteen gobolka waqooyi-bari ee Borno, oo kamid ah meelaha ay muddada dheer ka jireen kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama dalka Nigeria.


 

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP, rag hubeysan oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxaha mintidiinta ah ayaa weeraray Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Mussa ee degmada Askira-Uba, xilli ay socdeen xiisadaha waxbarashada aroornimadii Jimcaha.



 

Wararka ayaa sheegaya in weerarku dhacay abaare 9:00 subaxnimo, iyadoo dableydu ay gudaha u galeen iskuulka islamarkaana ay kaxeysteen tiro arday ah, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin tirada la afduubtay.


 

Laamaha ammaanka Nigeria ayaan weli soo saarin warbixin dhameystiran oo ku saabsan dhacdadan, halka dadka deegaanka ay muujiyeen cabsi xooggan oo ku aaddan amniga iskuullada gobolkaas oo horey dhowr jeer uga dhacay weerarro iyo afduubyo la xiriira kooxaha hubeysan.

Loading...
Loading...