Guddoomiyaha Guddida Nabadda Somaliland Oo Ka Hadlay Fursadaha Aqoonsiga Somaliland

0
Friday May 15, 2026 - 12:00:43 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Guddida Nabadda Somaliland Oo Ka Hadlay Fursadaha Aqoonsiga Somaliland

    Waxa uu sheegay in Somaliland ay maanta noqotay goob istaraatiiji...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu sheegay in Somaliland ay maanta noqotay goob istaraatiiji...



Guddoomiyaha Guddida Nabadda Somaliland, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in muhiimadda juqraafiyeed iyo marinka istaraatiijiga ah ee Badda Cas ay door weyn ka qaadanayaan dedaallada la xiriira aqoonsiga Somaliland iyo xidhiidhka ay dunidu la yeelanayso.


 

Guddoomiye Jirde oo wareysi siiyay Wargeyska Dawan ayaa xusay in xaaladaha colaadeed ee ka taagan Khaliijka iyo mandaqaddu ay iftiimiyeen qiimaha weyn ee uu leeyahay marin biyoodka Badda Cas, kaas oo muhiim u ah ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamka.



 

Waxa uu sheegay in Somaliland ay maanta noqotay goob istaraatiiji ah oo lagu kalsoonaan karo, maadaama ay ka xasilloon tahay deegaanno badan oo ay dagaallo iyo qalalaase ka jiraan.


 

"Dagaalka ka dhacay Khaliijku waxa uu iftiimiyay muhiimadda uu leeyahay marin biyoodka Badda Cas,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde.


 

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale tilmaamay in shidaalka loo dhoofiyo qaaradda Yurub uu maro Badda Cas, taas oo sababtay in dalal badan ay danaynayaan inay xidhiidh dhow la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland.


 

Cabdiqaadir Jirde ayaa intaas ku daray in arrimahaasi ay sare u qaadayaan rajada laga qabo in Somaliland hesho taageero iyo saaxiibo cusub oo ku dhiirrada xidhiidh iyo iskaashi rasmi ah.

Loading...
Loading...