Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Digay Siyaasadeynta Khilaafaadka Golaha Deegaanka Hargeysa

0
Friday May 15, 2026 - 11:54:23 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka Digay Siyaasadeynta Khilaafaadka Golaha Deegaanka Hargeysa

    Xuseen Axmed Caydiid ayaa xusay in khilaafaadka badankoodu...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuseen Axmed Caydiid ayaa xusay in khilaafaadka badankoodu...



Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ku baaqay in laga fogaado faragelinta iyo siyaasadeynta doorashooyinka iyo hawlaha u yaalla Golaha Deegaanka Hargeysa.


 

Wasiirka ayaa sheegay in Golaha Deegaanku leeyahay awooddooda sharciyeed ee ay ku maamulayaan hawlahooda gudaha, isla markaana ay xaq u leeyihiin go’aannada la xiriira xil ka qaadis, isla xisaabtan iyo maamulka shaqooyinka golaha.



 

Xuseen Axmed Caydiid ayaa xusay in khilaafaadka badankoodu ka dhashaan isla xisaabtan la’aan iyo wada-tashi yari, isaga oo hogaanka cusub ee caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay talo wadaag la yeeshaan xubnaha kale ee golaha si loo xoojiyo wada shaqaynta iyo horumarka magaalada.


 

"Golaha Deegaanka inta badan khilaafkoodu wuxuu ka yimaadaa isla xisaabtan la’aan. Marka hore waa in qorshaha la wada yeesho. Dibadda laga faragelinayo hawlahoodana, hadday doorasho tahay iyo hadday shaqo kale tahayba, tilmaam iyo tusaale wax laga siiyo mooyaane, in la siyaasadeeyo oo la kala raaco, durbaano dibaddana laga tumo aan ka dayno, maxaa yeelay meesha ma qabato,” ayuu yiri Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid.

Loading...
Loading...