Guddida Nabadda Qaranka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Ka Socday Dowladda UK

0
Friday May 15, 2026 - 11:50:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Nabadda Qaranka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Ka Socday Dowladda UK

    Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan...


May be an image of one or more people and newsroom


Guddida Nabadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socday dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK), kuwaas oo kala ahaa Paul-Andre Wilton oo ka socday Safaaradda UK ee Kenya iyo Louise Hancock oo ah Madaxa Xafiiska Somaliland ee UK.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo UK, gaar ahaan dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo amniga mandaqadda.


 

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha amni ee gobolka iyo doorka Somaliland kaga jirto ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo la adkaynayo wada shaqaynta labada dhinac.


 

Guddida Nabadda Qaranka Somaliland ayaa dowladda UK uga mahadcelisay taageerada ay siiso Somaliland, halka masuuliyiinta UK ay bogaadiyeen dedaallada Somaliland ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo sugidda amniga mandaqadda.

Loading...
Loading...