Wasiir Ku-xigeenka Dhalinyarada Somaliland Oo Ka Hadlay Tartan Kubadda Cagta Ah Oo Lagu Qabtay Borama

0
Friday May 15, 2026 - 11:48:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Dhalinyarada Somaliland Oo Ka Hadlay Tartan Kubadda Cagta Ah Oo Lagu Qabtay Borama

    Yuusuf Nuux Tadhase ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yuusuf Nuux Tadhase ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda



Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Yuusuf Nuux Tadhase, ayaa sheegay in markii ugu horreysay muddo afar sano ah gobolka Awdal lagu qabtay tartan kubadda cagta ah oo lagu xoojinayo isdhexgalka iyo dhiirrigelinta dhalinyarada.


 

Wasiirka oo ku sugan magaalada Borama ayaa xusay in gobolka Awdal uu Somaliland kaga jiro meel muhiim ah, isaga oo ku tilmaamay hoyga aqoonta, waayo-aragnimada, sharafta iyo karaamada bulshada.



 

Yuusuf Nuux Tadhase ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ka go’an tahay taageeridda iyo horumarinta dhalinyarada, si loo abuuro fursado sare loogu qaadayo kartidooda iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka.


 

> "Waa markii ugu horreysay muddo afar sano ah oo tartan noocan oo kale ah lagu qabto gobolka Awdal, gaar ahaan magaalo madaxdiisa Borama. Gobolka Awdal waxa uu Somaliland kaga yaallaa meel muhiim ah, waana hoyga aqoonta, waayo-aragnimada, sharafta iyo karaamada. Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabadna waxaa ka go’an in dhalinyarada la dhiirrigeliyo oo wax loo qabto,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Loading...
Loading...