Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Iyo Bisha Cas Oo Burco Ku Qabtay Tababar Wacyigelin Ah

0
Friday May 15, 2026 - 11:47:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Iyo Bisha Cas Oo Burco Ku Qabtay Tababar Wacyigelin Ah

    Kulankan oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud



Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Hay’adda Bisha Cas ayaa magaalada Burco ku qabtay kulan tababar iyo wacyigelin isugu jiray oo loo sameeyey mutadawiciinta Hay’adda Bisha Cas.


 

Kulankan oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa diiradda lagu saaray doorka dhalinyarada mutadawiciinta ah ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga cudurrada faafa.



 

Agaasimaha Guud ayaa mutadawiciinta ku dhiirrigeliyey inay bulshada gaadhsiiyaan aqoonta iyo fariimaha caafimaad ee ay tababarka ka barteen, isaga oo xusay muhiimadda ay dhalinyaradu u leeyihiin kor u qaadista wacyiga bulshada.


 

Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa sheegay in dhalinyarada mutadawiciinta ahi ay laf-dhabar u yihiin gudbinta fariimaha caafimaadka, isagoo yiri:


 

"Waxaan aaminsanahay in fariintiinnu meel fog gaadhi karto, waxaana idin kula dardaarmayaa inaad bulshada gaadhsiisaan aqoonta iyo wacyiga aad halkan ka qaadataan.”

Loading...
Loading...