"NABADAY YAA TAHAY ".... W/Q Cabdalle Gaxnuug.

0
Tuesday August 06, 2019 - 15:35:48 in Articles by
  • Visits: 1272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "NABADAY YAA TAHAY ".... W/Q Cabdalle Gaxnuug.

    "NABADAY YAA TAHAY ".... W/Q Cabdalle Gaxnuug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"NABADAY YAA TAHAY ".... W/Q Cabdalle Gaxnuug.

Nabadu waa xasilooni iyo degenaashaha xaalada uu dal ku suganyahy , waa saldhiga koboca dhaqalaha iyo nolosha admiga. Waana badhaadhe aduun oo halbowle u ah nolosha, oo loola jeedo dammaanad qaadida qof kale xorriyadiisa iyo wanaaggiisa. Nabadu waa eray lidku ah dagal, rashshad, burburin, isqabqabsi iyo xasilooni daro ka dhex dhacda bulsho meel kuwada nool, waxana raad raac u ah talada dheeliga tiren ee umadu xiliga nabada kuwada daaqdo .




Waxa loo qaybiyaa, nabad togan (postivie peace ) iyo nabad taban (negative peace ).


Nabada togan (positive peace ): nabada togani waxay bixisaa dariiqo cusub oo lagu fahmo habka ay dad u horumarin karaan si ay u ilaashadaan nabada ama uga soo kabtaan dagaalada, oo ahmiyadeeda la saaro inta badana jawaab u tahay halista is afgaranwaa.


Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (The Institute for Economics and Peace) ayaa si cad u soo saarey mashruuca 'Positive Peace' waxayna soo bandhigaysaa qaab dhismeedka wadan ee maalgashiga jiritaanka aragtiyo, hey'ado iyo qaab-dhismeedyo abuuri kara oo joogteyn kara bulshooyinka nabdoon.


Maalgashiga nabadeed ee togan wuxuu sare u qaadayaa jawiga ugu wanaagsan ee kartida aadamuhu ubaahanyahay: shaqsi ahaan, bulsho ahaan, iyo dhaqaale ahaan sidoo kale Dr. King wuxuu ina xasuusiyay in nabaddu aysan ahayn oo keliya maqnaanshaha xiisad laakiin joogitaanka caddaaladda.


Nabad taban (negative peace): nabadda tabani waxay la mid tahay maqnaanshaha dagaal. Waxayna u egtahay inay wado dawo u sameyn nooc kasta oo khilaaf ama iska hor-imaad ah, waxaa laga yaabaa in lasoo celiyo qaab la’aan nabadeed.


Adeegsi xoog ama khasbid ayaa caadi ku ah sifo marxaladeedkan, Bulshadu waxay ku sii jirtaa is aaminaada labada dhinaca, oo aan lahayn qalalase, dhac iyo qori ku dagaalan ba laakinse ay weheliso dib u dhac wax barasho, wax soosar la’aan iyo horumarka guud oo aan jirin siduu qabo Johan Galtung "Ma jiro rabshado militari oo abaabulan ee waa himilo muxaafid ah maxaa yeelay waxay sii hayaan waxyaabo sidii ay ahaayeen ah ".


Hadan ku soo dhawado nuxurka, waxa jira wadano nabada hadana aanay sinayn gobolada dalku manfac ahaan, faaido khayrad ahaan iyo horumar ahaan ba laakinse laga dheefo gobolo gaara sida Republic of Congo , Liberia iwm .

Sidoo kale waxa shabahaadas leh dalka Somaliland oo ku caana nabada, kuna faana balse ka aradan inay goboladu wada dareeman horumar bulsho ee loo tiirinayo in kooban.
 

 
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...