Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Shaaciyey Qorshe Lagu Hirgelinayo Biyo-xidheeno Waaweyn
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdimaalik, ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay qorshaynayso hirgelinta biyo-xidheeno waaweyn oo lagu kaydiyo biyaha, si wax looga qabto biyo yaraanta iyo daadadka biyaha ee si degdeg ah uga baxa dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay wajahdo caqabado dhinaca kaydinta biyaha ah, maadaama dhulka intiisa badan uu yahay dhul taag ah oo aan biyuhu muddo dheer ku hakan.
Waxa uu yidhi:
"Biyahu waxay ina dhaafaan iyaga oo qulqulaya, xattaa dhulkeenna inta badan waa taag oo biyahu hoos ugu ma degaan, muddo yar uun bay dhulka maraan ka dibna way gudbaan.”
Mudane Maxamed Cabdimaalik ayaa xusay in Wasaaradda Horumarinta Biyuhu hore u lahayd qorshe lagu samaynayo biyo-xidheeno waaweyn, balse ay jiraan caqabado dhaqaale oo dib u dhigay hirgelintiisa.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay mudnaan gaar ah siinayso qorshaha lagu xidhayo biyaha, si loo helo kayd biyo oo waara kana qayb qaata horumarka dalka.
"Hadda dawladdan uu Madaxweynuhu hoggaaminayo qorshaheedu waxa weeye in sanadka cusub loo diyaar garoobo in biyo-xidheeno badan la sameeyo, iyadoo weli ay jiraan duruufo adag. Waxa ugu muhiimsan ee qorsheyaasha Wasaaradda ka mid ah in biyaha la xidho,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirku.


0 





