Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Sheegay In Mashruuca Jidka Lawyacaddo Yahay Midho Dhalka Ballan-qaadkii Madaxweynaha
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in saxeexa rasmiga ah ee mashruuca dhismaha jidka Lawyacaddo uu yahay guul weyn iyo midho dhalka mid ka mid ah ballan-qaadyadii Madaxweynaha Somaliland.
Wasiirka oo ka hadlayay munaasibadda saxeexa mashruuca ayaa tilmaamay in xukuumaddu ku guulaysatay hirgelinta qorshe muhiim u ahaa shacabka iyo horumarka gobolka.
Waxa uu yidhi:
"Waxa farxad weyn ah in ballan-qaadkii Madaxweynaha ee dhinaca waddooyinka uu maanta ILLAAHAY inoo hirgeliyey.”
Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda xukuumadda wadajir iyo waxqabad ay salka ku hayso isku xidhka gobollada Somaliland iyo dalalka deriska ah sida Jabuuti iyo Itoobiya.
Wasiirka ayaa xusay in mashruucan uu qayb muhiim ah ka qaadan doono koboca dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo fududeynta isu socodka bulshada iyo badeecadaha.


0 





