Maareeyaha Hay'adda Waddooyinka Somaliland Oo Faahfaahiyey Mashruuca Waddada Lawyacaddo Iyo Boorama

0
Thursday May 14, 2026 - 10:43:59 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Hay'adda Waddooyinka Somaliland Oo Faahfaahiyey Mashruuca Waddada Lawyacaddo Iyo Boorama

    Maareeyaha ayaa tilmaamay in mashruucani yahay kii ugu weynaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha ayaa tilmaamay in mashruucani yahay kii ugu weynaa



Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Faarax Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay hirgelinta mashruuca dhismaha jidka muhiimka ah ee isku xidha Lawyacaddo iyo Boorama, kaasi oo uu sheegay inuu haatan marayo meel wanaagsan.


 

Maareeyaha ayaa tilmaamay in mashruucani yahay kii ugu weynaa ee ay hirgeliso xukuumadda wadajir iyo waxqabad tan iyo markii ay xilka la wareegtay.



 

Waxa uu yidhi:


 

"Waxa qaranka farxad weyn u ah in maanta la saxeexayo mashruucii ugu ballaadhnaa ee ay hirgeliso xukuumadda wadajir iyo waxqabad.”


 

Maxamed Faarax Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in jidkani muhiim weyn u leeyahay isku socodka iyo dhaqaalaha gobolka, isla markaana si weyn uga faa’iidaysan doonaan dalalka Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti.


 

Waxa uu xusay in waddadani kor u qaadi doonto ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa bulshada, isla markaana dhaqaale cusub kusoo kordhin doonto deegaannada ay waddadu marayso.

Loading...
Loading...