Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Guddoomisay Shirka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)

0
Thursday May 14, 2026 - 10:38:20 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Guddoomisay Shirka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)

    Mas'uuliyiinta shirka ka qayb galay ayaa ka wada hadlay sidii loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta shirka ka qayb galay ayaa ka wada hadlay sidii loo



Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa maanta guddoomisay shirka saddex-biloodle ee guddiga sare ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), kaas oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta mashaariicda wajiga saddexaad ee SDF3, gaar ahaan kuwa la xidhiidha Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Biyaha.



 

Mas’uuliyiinta shirka ka qayb galay ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed ee door weyn ka qaadanaya koboca dhaqaalaha dalka, abuurista shaqooyin cusub, adkaysiga isbeddelka cimilada iyo yaraynta saboolnimada bulshada.


 

Wasaaradda Qorshaynta ayaa sheegtay in Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) uu yahay mid muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo taageerada mashaariicda wax ku oolka ah ee bulshada.

Loading...
Loading...