Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Sheegay In Kaabeyaasha Dhaqaaluhu Yihiin Caqabadda Ugu Weyn Ee Dalka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in Somaliland wali wajahayo caqabado waaweyn oo dhinaca kaabeyaasha dhaqaalaha ah, gaar ahaan waddooyinka iyo isku xidhka deegaannada wax-soo-saarka leh.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad lagu saxeexayey wejiga koowaad ee dhismaha waddada isku xidha Lowyo-caddo iyo Saylac, isaga oo xusay in dalka ay ku yaallaan dhulal barwaaqo leh oo ay adag tahay in la gaadho sababo la xidhiidha waddooyin la’aan.
Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay inuu booqday deegaanno leh wax-soo-saar badan oo dhinaca dalagyada iyo khudaarta ah, balse aanay badeecooyinkaasi si fudud u gaadhin suuqyada gudaha.
Waxa uu yidhi:
"Dhulkeenna kaabayaal la’aan ayaa haysa. Waxa jira dhulal badan oo khudaar leh oo barwaaqo ah oo buuraha ku yaalla oo aanad 10 cisho ku gaadhayn. Waxaan tagay meelo ay cambe-babaayga ciyaalku kubbad ka dhigtaan, innagana Itoobiya ayaa laynooga keenaa meel ay soo maraan ayay waayeen.”
Wasiirka ayaa tilmaamay in horumarinta kaabeyaasha dhaqaaluhu ay muhiim u tahay koboca ganacsiga, isu socodka bulshada iyo ka faa’iidaysiga khayraadka gudaha dalka.
Sidoo kale, waxa uu muujiyey rajada laga qabo in mustaqbalka dhow la helo waddooyin tareen oo isku xidha waddamada gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo ganacsiga iyo xidhiidhka dalalka deriska ah.
"Waddooyinka isku xidhaya dalalka waxay qayb ka yihiin horumarka iyo ictiraafka Somaliland dunida ka helayso, waxaana rajeynayaa in si degdeg ah loo helo waddooyinka tareennada ee isku xidha waddamada,” ayuu yidhi Wasiirku.


0 





