Dawlada Soomaaliya Oo Dacwad Kale Ka Gudbisay Somaliland Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsan Tahay

0
Tuesday August 06, 2019 - 14:45:30 in News by
  • Visits: 12205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Dacwad Kale Ka Gudbisay Somaliland Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsan Tahay

    Dawlada Soomaaliya Oo Dacwad Kale Ka Gudbisay Somaliland Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsan Tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Dacwad Kale Ka Gudbisay Somaliland Iyo Waxyaabaha Ay Ku Saabsan Tahay


Muqdisho(HWN):-Dawladda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa dacwad ka dhan ah Somaliland u gudbisay DowladaSeychelles, Ururka la dagaalanka budhcadbadeeda ee Soomaaliya eeCGPCSiyo Hay’adda qaramada midoobay dacwada soomaaliya ayaa salka ku haysta kadib markiiMadaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu cafiyey 19 maxbuus oo lagu xukumay dalka Seychelles loona soo wareejiyay xabsiyada Somaliland sanadkii 2012 si loogu hayo inta ay xabsiga dhammaysanayaan.




Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay in lasii daayo budhcadbadeed aan dhammaysan dabigii lagu helay, Waxaana warqad ay u direen dowladda Seychelles ay ku sheegeen in Soomaaliya ay aad uga walaacsan tahay arrintan.


Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka codsadatay dowlada Seychelles inay cambaarayso talaabadan isla markaasna ay ka dacwayso qaramada midoobay iyo ururka ladagaalanka budhcad badeeda.


Dowladda Seychelles iyo Ururka ay xubnaha ka yihiin dalalka la dagaalama budhcad badeeda ayaa si rasmi ah u soo saartay warsaxaafadeedyo kale duwan kuwaasi oo ay ku cambaareynayaan talaabada soomaalidu geesinimada u aragto ee uu qaaday todobaadkii hore.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa talaabadan u aragta cadaadis kale oo dublamaasiyadeed caalami ah oo ay uga faa’iidaysan karto sidii ay isugu dhufan lahaayeen beesha Caalamka iyo Somaliland.

Loading...
Loading...