Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka Somaliland Oo Shirkadda Dhisaysa Waddada Lawyo-caddo Iyo Saylac Ku Adkaysay Ilaalinta Deegaanka

0
Thursday May 14, 2026 - 10:24:47 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka Somaliland Oo Shirkadda Dhisaysa Waddada Lawyo-caddo Iyo Saylac Ku Adkaysay Ilaalinta Deegaanka

    Wasiir Ku-xigeenka ayaa hadalkan ka jeedisay munaasibaddii lagu saxeexayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku-xigeenka ayaa hadalkan ka jeedisay munaasibaddii lagu saxeexayay

May be an image of one or more people, hospital, dais and text



Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Samsam Saalax, ayaa shirkadda dhisaysa waddada Lawyo-caddo ilaa Saylac kula dardaarantay inay si gaar ah u ilaaliyaan deegaanka iyo duur-joogta ku nool deegaannada ay waddadu marayso.


 

Wasiir Ku-xigeenka ayaa hadalkan ka jeedisay munaasibaddii lagu saxeexayay wajiga koowaad ee mashruuca dhismaha waddada Lawyo-caddo iyo Saylac.


 

Marwo Samsam Saalax ayaa madaxda shirkadda ku adkaysay inay ka taxaddaraan waxyeellada deegaanka, isla markaana ay sameeyaan dhir-beeris lagu beddelayo dhirta la jaro inta lagu guda jiro dhismaha waddada.


 

Waxay tidhi:


 

"Shirkadda waddada Lawyo-caddo iyo Saylac dhisaysaa waa inay ilaaliyaan deegaanka, duur-joogta, dhirta iyo daaqaba, annaguna waan ku kor-joogteyn doonaa. Marka ay dhammaystiraan waddadana waa inay dhir-beeris sameeyaan oo intii ay dhir jareen intoodii ay beeraan.”


 

Mashruuca waddadan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato isku socodka iyo horumarka gobolka, iyadoo Wasaaradda Deegaankuna xustay muhiimadda ay leedahay in horumarka lagu lammaaniyo ilaalinta deegaanka.

Loading...
Loading...