Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Oo Shaaciyey In La Kordhiyey Gunnada Dhakhaatiirta Xoolaha

0
Thursday May 14, 2026 - 10:19:58 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Oo Shaaciyey In La Kordhiyey Gunnada Dhakhaatiirta Xoolaha

    Wasiirka oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhakhaatiirta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhakhaatiirta



Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa sheegay in markii ugu horraysay la kordhiyey lacagaha iyo gunnooyinka ay ku shaqeeyaan dhakhaatiirta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.


 

Dhakhaatiirta ka hawlgasha Maxjaradda magaalada Berbera ayaa maanta wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda qado-sharaf ugu sameeyey magaalada Berbera, iyaga oo ku bogaadiyey dadaalka ay Wasaaraddu ugu jirto wanaajinta xaaladaha iyo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan dhakhaatiirta xannaanada xoolaha.



 

Wasiirka oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhakhaatiirta xannaanada xooluhu ay qabtaan shaqo muhiim u ah qaranka, isla markaana ay mudan yihiin dhiirrigelin iyo tixgelin dheeraad ah.


 

"Dhakhaatiirta xannaanada xooluhu sida ciidanka ayay u shaqeeyaan. Haddii Madaxweynaha u kordhiyey ciidamada, annaguna waxaanu go’aansanay in dib u eegis lagu sameeyo khidmadihii iyo gunnooyinkii ay qaadan jireen dhakhaatiirta xannaanada xoolaha,” ayuu yidhi Wasiir Cumar Shucayb Maxamed.


 

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in aan wali si buuxda loo gaadhin qiimihii iyo sharaftii ay mudnaayeen dhakhaatiirta xannaanada xooluhu, balse Wasaaraddu ay sii wadayso dadaallada lagu horumarinayo xaaladooda shaqo iyo nololeed.

Loading...
Loading...