Ciidanka Dab-damiska Somaliland Oo Samatabixiyey Geel Ku Dhacay Bullaacad
Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa gurmad u sameeyey neef Geel ah oo ku dhacay bullaacad isla markaana awoodi waayey inuu ka soo baxo, sida lagu arkayey muuqaal ay ciidanku baahiyeen xilli ay ku jireen hawlgalka samatabixinta.
Ciidanka Dab-damiska ayaa sheegay in ninka iska lahaa Hasha ay markii hore la xidhiidheen wiishash kala duwan, balse laga dalbaday lacag aanu awoodin maadaama uu ahaa geeddi geel wata.
Markii dambe ayuu ninku wacay lambarka gurmadka degdegga ah ee 990, halkaasi oo ciidanka Dab-damisku si degdeg ah uga jawaabeen una gurmadeen goobta.
Ninkii lahaa Hasha ayaa uga mahadceliyey ciidanka hawlgalka ay sameeyeen, isaga oo yiri:
"Annoo geel wada ayaa Hal waxa ay igaga dhacday bullaacad, waxa ii soo gurmaday Ciidanka Dab-damiska markii aan garaacay 990, waan u mahadnaqayaa, way ii soo saareen Hashaydii.”
Ciidanka Dab-damiska Somaliland ayaa mar kale bulshada ku boorriyey inay adeegyada gurmadka degdegga ah la soo xidhiidhaan marka ay dhacaan xaaladaha u baahan samatabixin iyo gargaar degdeg ah.


0 





