Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Oo Berbera Ka Bilowday Diyaarinta Buugga Xogsidaha Dawladda Hoose

0
Thursday May 14, 2026 - 10:15:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Oo Berbera Ka Bilowday Diyaarinta Buugga Xogsidaha Dawladda Hoose

    Mas'uuliyiinta kulanka ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Duqa Magaalada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta kulanka ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Duqa Magaalada Berbera



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, isaga oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Dhexe ee Istatistikada (Central Statistics Department), ayaa maanta magaalada Berbera kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta Maamulka Dawladda Hoose ee Berbera.



 

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Duqa Magaalada Berbera iyo Xoghayaha Dawladda Hoose, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray diyaarinta iyo soo saarista Buugga Xogsidaha Dawladda Hoose ee Berbera.


 

Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta helitaanka xog rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo, taas oo door weyn ka qaadan doonta qorshaynta horumarka, dejinta siyaasadaha iyo go’aan qaadashada ku salaysan xog dhab ah.


 

Wasaaradda Qorshaynta ayaa sheegtay in dadaalladan ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu horumarinayo nidaamka xog ururinta iyo maamulka xogta ee dalka.

Loading...
Loading...