Agaasimaha Guud Ee Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Farriin U Diray Qurba-Joogta Xuska 18-ka May

0
Thursday May 14, 2026 - 10:14:10 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Farriin U Diray Qurba-Joogta Xuska 18-ka May

    Agaasimaha Guud ayaa ugu baaqay qurba-joogta inay si wadajir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ayaa ugu baaqay qurba-joogta inay si wadajir

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa farriin ku aaddan xuska 18-ka May u diray qurba-joogta Somaliland ee ku nool daafaha dunida.

 

Agaasimaha Guud ayaa ugu baaqay qurba-joogta inay si wadajir ah, midnimo iyo waddaniyad ku dheehan tahay ugu diyaar garoobaan munaasabadda xuska 18-ka May, isla markaana si weyn u muujiyaan taageerada ay u hayaan qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa uu ku adkeeyey qurba-joogta inay muujiyaan shucuurtooda waddaniyadeed, kana shaqeeyaan sidii codka iyo jiritaanka Somaliland uga dhex muuqan lahaa bulshooyinka ay la nool yihiin iyo fagaarayaasha caalamiga ah.

 

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey guddiyada jaaliyadaha iyo dhammaan qurba-joogta Somaliland kaalinta firfircoon ee ay ku leeyihiin horumarka dalka, taageerada joogtada ah iyo ka qayb-qaadashada dadaallada aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.


Loading...
Loading...